Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Ra’isul Wasaare Kheyre Ka Doonay Mareykanka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha JF ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay ka dhoofay magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda magaalada Washington ee dalka Maraykanka oo uu uga qayb gelayo shirka sannadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka (IMF).

Shirkan oo ay ka soo qeyb galayaan madaxda adduunka ayaa lagu wadaa in lagu falanqeeyo arrimaha deymaha, hufnaanta iyo isla xisaabtanka, cimilada iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxaa uu sidoo kale fursad u heli-doonaa inuu kulamo doceed la qaato madaxda iyo mas’uuliyiinta caalamka.

 Bishii May ee sanadkan waxaa ay IMF iyo Soomaaliya kala saxiixdeen fourth Staff-Monitored Program (SMP IV), waxaana lagu wadaa in arrimahaas goobta lagu qaado.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this