Sign in to follow this  
Deeq A.

35 xujaaj ajaanib ah oo ku dhintay dalka Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Soddon iyo shan ajaanib ah ayaa dhintay kuwo kalena waay dhaawacmeen kadib markii bas ay la socdeen uu ku dhacay gaari kale oo culus uu ku dhowaa magaalada barakeysan ee muslimiinta ee Madiina, warbaahinta dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay maanta.

Dadka shilkaan ku lugta lahaa ayaa ahaa xujaaj carbeed iyo kuwo Aasiyaan ah, sida ay sheegeen warbaahinta maxalliga ah ee dalka Sacuudiga.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay baarayso sababta shilkaan dhalisay.

Shilka an ayaa kusoo beegmaya kadib markii afar qof oo ka tirsanaa xujaajta Ingiriiska dhinteen 12 kalena dhaawacmeen Saudi markii baskooda uu ku dhacay booyad shidaal bishii Abriil 2018. Waxayna kusii jeedeen magaalada barakeysan ee Makka.

PUNTLAND POST

The post 35 xujaaj ajaanib ah oo ku dhintay dalka Sacuudiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this