Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shababa oo sheegatay dilal ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa waxay ka soo baxayaan dilal xalay siyaabo kala duwan uga kala dhacay degmooyinka Waaberi iyo Dharkeenleey ee gobolka Banaadir.

Rag hubeysan ayaa xalay waxa ay goobtiisa shaqo ku dileen Allah unaxaristee Maxamed Muuse Calasoow oo ahaa shaqsi si weyn looga yaqiinay degmada Dharkeenleey.

Dadka dilka ka dambeeyay ayaa waxa ay ka baxsadeen halka uu falkaasi ka dhacay.

Dilka kadib ayaa Radio Shabelle lahadlay xaaska marxuumka, waxaana ay ka warbixisay sida uu dilkaasi udhacay.

Alshabab ayaa bartooda internet-ka ku baahiyay in rag hubeysan degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal katirsanaa ciidamada dowladda, kaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cusmaan Calasow.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa sheegtay in degmada Waaberi xalay fiidkii ay ku dileen ilaa sadax Saddex ruux, kuwaas oo wateen Mootada labada lug leh ee loo yaqaano Fekon.

Al-Shabaab ayaa saraakiisha ciidamada sirdoonka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa dhar-cadka loo yaqaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this