Deeq A. Posted October 17, 2019 Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay u u safray magaalada Washington ee dalka Maraykanka. Wafdiga R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa Waxaa ay ka qeyb gali doonaan shirka sannadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka (IMF), waxa uuna shirkan ka dhacayaa dalka mareykanka R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo horumarka ay xukumadiisa ka gartay dhinaca deyn cafinta. Sidoo kale R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Washington waxa uu kulamo la yeelanayaa madaxda Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka oo uu kala hadlayo in Soomaaliya lagu garab siiyo qorshaha deynta looga cafinayo dalka oo meel wanaagsan soo gaaray. Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay ka guul gaaridda qorshaha deynta looga cafinayo dalka ayaa horay ugu guuleysatay shuruudihii ku xirnaa sedaxdii waji ee ugu horreeyay, waxaana hadda si wanaagsan ku socda wajiga afaradaad (SMP4). Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites