Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Filish oo la kulmay safiirka Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Safiirka Midgowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Nicolas Berlanga.

Guddoomiyaha ayaa la wadaagay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaalaaiya horumarka uu ku tallaabsanayo Gobolka, Arrimaha Barakacayaasha, dadaallada dib u dhiska iyo qorsheyaasha hortabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cumar Filish oo uga mahad-celiyey Ururka Midowga Yurub taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed ayaa kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa barnaamijyada horumarineed ee Ururka Midowga Yurub uu ka fuliyo Gobolka Banaadir.

Dhankiisa, Nicolas Berlanga ayaa ku ammaanay bulshada iyo maamulka Caasimadda sida ay ugu taagan yihiin horumarka iyo xaqiijinta dib u kabashada Gobolka, waxa uuna ballan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan Gobolka.

Sidoo kale, Danjire Nicolas waxa uu uga mahad-celiyey Maamulka iyo Bulshada Caasimadda soo dhaweynta diirran iyo fududeynta shaqada tan iyo markii uu soo gaaray dalka.

Hoos ka daawo sawiradda
unnamed-3-5-300x168.jpg
unnamed-12-300x200.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this