Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dalalka Talyaaniga iyo Sweden oo safiiro cusub usoo magacaabay Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Talyaaniga iyo Swedan ee Soomaaliya.

Danjiraha Boqortooyada Sweden Mudane Staffan Tillander oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Mudane Carl XVI Gustaf ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran.

Sidoo kale, Danjiraha cusub ee dalka Talyaaniga Mudane Alberto Vecchi oo warqadahiisa aqoonsi u gudbiyey Madaxweynaha ayaa muujiyey sida uu ugu hanweyn yahay in uu ka mid noqdo bahda diblumaasiyiinta ka hawlgala dalkeenna.

Vecchi ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalka Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella, waxa uuna tilmaamay in dalkiisu ay saaxiib dhaw la yihiin shacabka Soomaaliyeed, xiriir soo jireen ahna uu ka dhexeeye labada dal.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya dalalka caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

105A8543.jpg 105A8550.jpg 105A8555.jpg 105A8580.jpg 105A8593.jpg 105A8598.jpg 105A8610.jpg 105A8627.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this