Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabelle oo qorsheyneysa ku dhawaaqista gobollo iyo demooyin cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) -Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo wareysi siiyey Radio Kulmiye ayaa ka hadlay xaaladda guud ee maamulkaasi.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn sheegay in HirShabelle ay wado qorshe ay ugu dhaawaqeyso gobollo iyo demooyin cusub oo hoostaga maamulkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay ku yaallaan deegaano u qalma degmooyin, sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa dhinaca kale ka hadlay howlaha horyalla baarlamaanka iyo sidoo kale caqabadaha heysta.

Guddoomiye Barre ayaa sheegay in muddo goluhu wajahayey xaalad amni darro iyo mushaar la’aan Xildhibaanada heysatay, taasoo cuuryaamisay shaqadii baarlamaanka.

HirShabelle ayaa waxaa lagu sheegaa inay tahay maamulka ugu tabarta daran maamullada dalka, waxaana isugu darsamay amni darro iyo dhaqaale la’aan.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this