Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Gaalkacyo+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qaraxa ayaa la sheegay gaarigiisa loogu xiray taliyaha Saldhigga Waqooyiga Gaalkacyo, Cabdiqani Xabuun, walow uu ka badbaaday isku daygaasi dil.

Taliyaha oo la hadlay warnaahinta ayaa sheegay  inuu ogaaday in qarax uu ku xiran yahay gaarigiisa, kadib markii uu ka shakiyey, xilli uu doonayey in uu ka baxo gurigiisa, kuna sii jeeday goobtiisa shaqada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in daqiiqado yar kadib uu gaariga qarxay, islamarkaana uusan geysan wax khasaare ah.

Dhinaca Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaasi, sida ay ku baahisay baraheeda Internet-ka.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inuu si dirqi ah uga badbaadau taliyaha qeybta bartamaha ee magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliso gudaha Gaalkacyo oo ay ka howlgalaan ciidamo isku dhaf oo loo sameeyey magaaladaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

3-40 1-49 2-49

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this