Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxyo lagu dilay askar badan oo Itoobiyaan ah oo ka dhacay gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo saacadihii la soo dhaafay kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa la sheegay in ciidamadaani lagula eegtay waddada dheer ee xiriirisa degmooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo.

Al-Shabaab oo sheegatay weeraradan ayaa baahisay in qarax koowaad ay ku dishay ilaa afar askari oo Itoobiyaan ahaa, sida ay hadalka u dhigtay.

Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaraxa labaad uu ka dhacay deegaanka Mooda Moode, inkastoo aysan shaacin khasaaraha ka dhashay.

Dhanka kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiisha ciidamad dowladda oo ku aadan qaraxyadaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah ciidamada Milatariga Soomaaliyed iyo kuwa AMISOM kula beegsata gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this