Deeq A. Posted October 16, 2019 (SLT- Shenzhen)-Shirkadda Huawei ee Shiinaha ayaa maanta sheegtay in dakhligeeda sagaalkii bilood ee hore ee sannadka uu kordhay rubac, in kasta oo ay wajaheysay cadaadis Mareykanka uu shirkaddan ka goynayo dunida inteeda kale. Dakhliga Huawei ayaa kordhay 24.4% islamarkaana gaadhay 610.8 bilyan oo Yuan, una dhiganta 86.2 bilyan oo dollar, halka faa’iideeda ay korodhay 8.7%, sida ay shirkadda sheegtay. Huawei, oo fadhigeedu yahay magaalada ku taalla koonfurta Shiinaha ee Shenzhen, ayaa ah shirkadda ugu badan ee qeybisa qalabka isku-xidhka isgaadhsiinta caalamka, halka ay kaalinta labaad kaga jirto soo saarka taleefon gacmeedyada. Hase yeeshee waxa ay sannadkan cadaadis kala kulmeysay saraakiisha Mareykanka oo dunida ka waday olole ay xulufadooda kaga dhaadhicinayaan inay ka fogaadaan qalabka shirkadda, cabsi amni darteed. Bishii May, Washington ayaa sheegtay inay liiska madow ku darayso Huawei, kana mamnuucayso suuqyada Mareykanka iyo inay iibsato qalab Mareykan ah, inkasta oo laba jeer ay muddo 90 malamood ah dib u dhigtay go’aankaas, ayada oo tii ugu dambeysay ay ahayd bishii August. Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay in qalabka Huawei ay ku jiraan aalado u ogolaanaya Shiinaha inay ay basaasaan qulqulka isgaadhiisnta caalamka. Huawei marar badan ay beenisay eedeymahan. Source Share this post Link to post Share on other sites