Sign in to follow this  
Deeq A.

Recep Erdogan: Soomaaliya Wey Ku Mahadsantahay Iney Nagu Taageertay Weerarrada Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Erdogan oo goordhow ka hadlayey baarlamaanka dalkiisa ayaa u mahadceliyey dalal ay ku jirto Soomaaliya sida ay u taageereen weerarrada uu ka wado gudaha dalka Suuriya.

Madaxweyne Recep Erdogan oo arrinkaas ka hadlayey ayaa yiri “ Waxaan Soomaaliya uga mahadecinayaa iney nagu garab istaageen howlgalka militari ee aan ka wadno waqooyiga  Syria”.

Todobaadkan, Soomaaliya ayaa ka hortimid bayaanka Jaamacadda Carabta ee ku aadan in la cambaareeyo weerarada ay Turkidu ka wadaan gudana Suuriya, laguna dalbaday iney ka baxaan.

Turkiga waxaa uu dowladda federaalka ah ka taageeraa miisaaniyadda, waxaa kale oo uu Muqdisho  ku leeyahay saldhig militari uu ku tababaro askarta Soomaalida, maalgeshi badanna waa uu sameeyey.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this