Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Ku Xigeenka Mareykanka Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Turkiga Tagaya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-New York)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii shalay ku dhawaaqay inuu dalka Turkiga u dirayo wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo ku xigeenkiisa Mike Pence, si ay Turkiga ugu cadaadiyaan inuu joojiyo dagaalka uu ku qaaday Waqooyiga Suuriya.

AA9C0C42-0280-420C-B517-88122BB3960D_w10

Trump wuxuu sheegay in wafdigan oo uu sidoo kale ku jiro wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ay Turkiga u amba bixi doonaan maanta oo Arbaca ah, hadafka ugu weynna uu yahay sidii ay Anakra u weydiisan lahaayeen xabad joojin.

Mike Pence oo lagu wado inuu madaxweyne Erdogan Khamiista berrito ah la kulmo, ayaa miiska saari doono shuruudo ay ku jiraan xabad joojin deg deg ah wada-xaajood ay Turkiga kala galaan arrinta dib u dejinta qaxootiga Suuriya.

Sidoo kale waxay isku soo qaadi doonaan arrinta cunaqabateynta uu Mareykanka saaray Turkiga, taasoo oo uu maamulka Trump wacad ku maray in lasii xoojin doono haduu uusan Turkiga ka laaban weerarka uu ku hayo maleeshiyaadka Kuddiyiinta Suuriya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this