Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Iyo Uganda Oo Heshiis Dhanka Macdan Baadhista Ah Wada Gaadhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kampala)- Dawladaha Somaliland iyo Uganda ayaa wada gaadhay heshiis dhanka macdan baadhista iyo ka faa`iidaysiga khayraadka dhinayada Tamarta iyo Macdanta.

uganda.jpg

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa sheegay inay is-afgarad ku gaadheen kulan dhexmaray Wasiiru-duwlaha Tamarta iyo Macdanta dalka Uganda Md. D`ujanga Simon. Qoraal Wasiir Jaamac shalay ku baahiyey bartiisa Twitter oo uu kaga hadlay kulanka dhexmary madaxada wasaaradda Tamarta ayuu ku yidhi, “kulan midho dhal ah ayaa nagu dhexmary xafiiska Wasiiru-duwlaha macdanta Ugandha. Wasiir Jaamac oo faahfaahin ka bixiyey ujeedada kulanka iyo natiijada laga gaadhay ayaa raaciyey, inay kaga wada hadleen “Horumarinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee labada Wasaaradood waa laga wada hadlay, oo la isku afgartay.” ayuu yidhi wasiirka Macdanta somaliland jaamac.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya socdaal shaqo oo wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Md jaamac maxamuud Cigaal iyo agaasamaha waaxada Macadnta wasaaradda Md Cumur yuusuf Cumar ku joogeen todobaadkii u dambeeyay dalka uganda, islamarkaana kulamo iyo codaalo goobaha macdanaha laga qodo ee dalkaasi ku marayeen qeybo ka aheyd.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this