Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu ku saabsan yahay shirka SSC ee ka socda Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   
72488565_1852954891517337_58654540509290

Siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada Sool iyo Cayn iyo xubno katrsan dowladda federalka Soomaaliya, ayaa Muqdisho ka wada qorshe ku saabsan in xildhibaanada beesha Sool clan ee u matalidoono barlamaanka soo socda lagusoo doorto Muqdisho.

Xubnahaan ayaa Muqdisho ku qabsaday shir loogu magac daray hindisaha maamul u sameynta goboladaas oo ay haatan kala maamulaan Puntland iyo Somaliland. Lama oga waxa kusoo beegay waqtigaan.

Cali Khaliif Galaydh ayaa kamid ah siyaasiyiintaan shirkaan qeybta ka ah, waxaana isaga rag kale oo ku hungoobay heshiiskii Somaliland, ay la galeen ay u muuqataa inay Muqdisho barmaaij kale ka abaabulayaan.

Dowladda Piuntland ayaa haatan gacanta ku haysa hannaanka ay ku yimaadaan xildhibaanada goboladaas, iyagoo qeyb ka ah xildhibanada Puntland u matala barlamaanka Soomaaliya.

Waxaa markii ugu dambeysay lagu doortay magaalada Garowe, kadib, kadib markii lagu heshiiyay in dowlad goboleed kasta uu la yimaado xildhibaanada goboladiisa.

Puntland Post

The post Muxuu ku saabsan yahay shirka SSC ee ka socda Muqdisho? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this