Sign in to follow this  
Deeq A.

Go’aanno culus oo laga soo saaray shir ka dhacay magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan looga hadlayey ammaanka Dhuusamareeb oo xalay ka dhacay gudaha magaaladaasi.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa guddoomiyey wasiirka amniga Galmudug  Mudane Saadaq Sheekh Yuusuf, iyadoona ay ka qeyb galeen saraakiisha amniga Dhuusamareeb.

Intii uu socday shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda deegaanada mamulka Galmudug.

Sidoo kale waxaa warbixino la xariira amniga laga dhageystay saraakiisha hay’adaha amniga, kuwaas oo faah faahiyey howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay halkaasi.

Waxa kale oo la’isku raacay in la xoojiyo amniga, ciidamaduna ay u  diyaar garoobaan howlgallo cusub oo ka bilaabanaya deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, si looga saaro dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab.

Gagabada shirka ayaa sidoo kale laga soo saaray go’aano xasaasi ah oo ay ka mid yihiin in hubka sharci darrada ah aan lagu dhex qaadan karin gudaha magaalada, iyadoona ciidamada looga digay in daress la’aan iyo aqoonsi la’aan ay ka soo baxaan xarumahooda.

Dhowaan ayaa la filayaa in doorasho ay ka dhacdo Dhuusamareeb, taas oo ay qaban qabaanineyso dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this