Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xaaf oo ka hor imaaday inay DF sameysato muddo kororsi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ka hor imaaday inay Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sameysato muddo korosi.

Madaxweyne Xaaf, qaar ka tirsan Golihiisa wasiirada iyo Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Galmudug oo kulan la qaatay Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa talo ahaan usoo jeediyey inaan la ogolaan muddo kororsi taas badalkeedana laga shaqeeyo sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah.

Kulankaan oo ujeedkiisa lagu sheegay inuu ahaa dhagaysi iyo talo aruurin la xariira sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xaaf ayaa guddiga u gudbiyey talaabooyin ay tahay muhiim in la qaado si dalkan ay kaga dhacdo doorasho,oo aysan muddo kororsi u dhicin,waxaana uu kaga mahad-celiyey howsha ay hayaan.

Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa dhankiisa sheegay in aragtiyadaasi ay qaadanayaa islamarkaasina ay qeyb kaga dhigayaan qorshooda ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaran.

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa maalmahaan dambe waday la kulanka Madaxda maamul-goboleedyada,iyagoona hore ula soo kulmay madaxda maamulada Hir-shabeelle iyo Puntland,waxaase la ogeyn Jubbaland cida ay kala kulmi donaan.

5-4.jpg 4-4-1024x683.jpg 2-7-1024x683.jpg 1-10-1024x683.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this