Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf oo la kulmay guddiga soo diyaarinta sharciga doorashooyinka+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa kulan kula qaatay magaaladda muqdisho madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo golihiisa wasiirada iyo xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Galmudug.

Ujeedka kulanka uu guddiga la yeeshay madaxweyne Xaaf iyo golihiisa wasiirada iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug ayaa ahaa dhagaysi iyo talo aruurin la xariiro sharciga doorashooyinka Qaranka.

Madaxweyne Xaaf ayaa marka hore soo dhaweeyay Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka,isagoona uga mahadceliyay juhdiga iyo waqtiga ay ku bixinayaan sharciga doorashooyinka qaranka ee soo diyaarintiisa uu guddigaan KMG ah uu gacanta ku haayo.

Golaha wasiiradda galmudug iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug ayaa aragtiyadooda iyo talooyinkooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka usoo bandhigay guddiga.

Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.carab} ayaa uga mahadceliyay madaxweyne Xaaf iyo golihiisa wasiiradda iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug in ay guddiga ga ogolaadaan in ay kulan wadatashi ah oo la xarrriiro sharciga doorashooyinka qaranka ay wada yeeshaan.

Ugu dambeyntii kulanka uu Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka la yeeshay madaxweyne Xaaf iyo golihiisa wasiiradda iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

73154088_678299379325796_4785052978920816640_n 11 72267373_678299682659099_7981257019426340864_n 72290755_678299432659124_6069862393633046528_n 72453968_678299595992441_9118143087539912704_n 72944513_678299209325813_86423207376060416_n 73028107_678299549325779_5063423969881751552_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this