Sign in to follow this  
Deeq A.

Go’aanno culus oo ka soo baxay shir ka dhacay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka amniga Galmudug, Saadaq Sheekh Yuusuf ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hay’adaha amniga ee ka howlgalla deegaanada maamulkaasi.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda ee ammaan ee magaaladaasi.

Sidoo kale shirka intii uu socday  ayaa waxaa diirada lagu saaray howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda deegaanada mamulka Galmudug.

Waxa kale shirkan ka soo baxay go’aanno culus oo la xariira amniga Dhuusamareeb, iyadoona digniin loo diray dadka hubka sharci darrada ah ku dhex wata magaaladaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ammaanka degmada Dhuusamareeb ayaa ahaa mid degan, iyadoona ay howlgallo ka wadeen ciidamada ammaanka ee ku sugan halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this