Deeq A. Posted October 16, 2019 Wasiirka amniga Galmudug, Saadaq Sheekh Yuusuf ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hay’adaha amniga ee ka howlgalla deegaanada maamulkaasi. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda ee ammaan ee magaaladaasi. Sidoo kale shirka intii uu socday ayaa waxaa diirada lagu saaray howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda deegaanada mamulka Galmudug. Waxa kale shirkan ka soo baxay go’aanno culus oo la xariira amniga Dhuusamareeb, iyadoona digniin loo diray dadka hubka sharci darrada ah ku dhex wata magaaladaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ammaanka degmada Dhuusamareeb ayaa ahaa mid degan, iyadoona ay howlgallo ka wadeen ciidamada ammaanka ee ku sugan halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites