Sign in to follow this  
Deeq A.

18 Markab Oo Si Sharci Darro Ah Uga Kalluumeysta Xeebaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Puntland ayaa shaacisay tirada maraakiib ay sheegeen in ay si sharci darri ah uga kalluumeystaan xeebaha maamulkaasi iyo sidoo kale dalalka laga leeyahay.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Puntland, Faarax Cawaash Beeldaaje ayaa u sheegay warbaahinta in 18 Markab ay si sharci darro ah uga kalluumeystaan maalin walbo xeebaha Puntland, iyaga oo aan wax ruqsad ah haysan.

Wuxuu sheegay wasiirka in Maraakiibtan oo laga leeyahay dalalka India, Iran iyo Pakistan ay dacwad ka gudbiyeen, sidoo kalena ay ciidan u direen xeebaha Puntland.

Dhanka kale, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in baaritaanno ay ku hayaan shirkado kale iyo maraakiib uu sheegay inaanay shatiyo ka haysan wasaaradda Kalluumeysiga ee dowlad goboleedka Puntland.

Kalluumeystada Soomaaliyeed ayaa marar badan waxa ay cabasho ka muujiyeen maraakiib dhib ku haya, islamarkaana mararka qaar ka burburiya shabaqyada ay dhigtaan iyo doomahooda.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this