Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Warfaafinta Jabuuti Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Soo Gaaray Muqdisho (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho waxaa saakay soo gaaray wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda warfaafinta ee dowladda Jabuuti, Ridwaan C/laahi Bahdoon, waxaana lagu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa dhiggiisa dalka Jabuuti kusoo dhoweeyey garoonka Aadan Cadde, waxayna kulan horudhac ah ku yeesheen qeybta VIP-da ee Garoonka.

Wasiir Bahdoon ayaa la sheegayaa in safarkan uu ku yimid Muqdisho yahay mid rasmi ah, wuxuuna inta uu joogo la kulmi doonaa mas’uuliyiin kale oo DFS.

Wasaarada warfaafinta ee Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirkooda iyo sidii loo ballaarin lahaa wadashaqeyntooda.

1-48.jpg 2-48.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this