Sign in to follow this  
Deeq A.

16 Qof Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Gobolka Cafar Ee Dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Ethiopia)-Rag hubeysan ayaa ugu yaraan 16 qof ku dilay, islamarkaana tobaneeyo kale ku dhaawacay xaafad yar oo ku taalla waqooyiga bari ee dalka Ethiopia, sida ay booliska sheegeen Isniintii.

download-1-1.jpg

Weerarkan ayaa qiyaastii 1-dii aroornimo ee sabtidii ka dhacay xaafadda Obno ee degmada Afambo ee gobolka waqooyiga beri ee Cafar.

Waa mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee gobolka ka dhaca.

“Rag hubeysan ayaa ka yimid dhinaca Jabuuti, waxayna fuliyeen dilka” waxaa sidaas yidhi taliye ku xigeenka booliska gobolka Cafar Ahmed Humed oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

“Weli hore uma aynan arag dhacdo sidan u weyn oo shacab badan lagu dilay. Weli waan baadhaynaa cidd ay ahaayeen raggaas.” Ayuu yidhi.

Cisbital ku yaalla deegaanka ayaa waxaa la geeyey 28 qof oo dhaawacyo ay kasoo qaadheen qaraxyo iyo rasaas, sida uu madaxa Cisbitalka Dubti ee goblka Cafar Mohammed Hassen u sheegay Reuters.

Haweeney lagu dhaawacay weerarka ayaa ku weyday seygeeda iyo wiilkeed oo afar bilood jiray, sida uu sheegay Mohammed.

Ethiopia ayaa waxaa ka socda isbeddelo siyaasadeed iyo dhaqaale oo uu hormuud ka yahay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, oo talada la wareegay 2018, kadib markii saddex sanno oo ay socdeen dibad-baxyo rabashado watay oo ka dhan ahaa dowladda ay hoggaamiyeen is-casilaadda ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn.

Abiy oo 43 jir ah ayaa jimcihii ku guuleystay abaal-marinta Nobel, sababo la xidhiidha daadalladii nabadeed ee soo afjaray colaaddii Ethiopia muddada fog kala dhaxeysa dalka Eritrea.

Hase yeeshee is-beddelada uu billaabay Abiy ayaa sidoo kale dhiiri-geliyey hoggaamiye goboleedyo awood badan, waxayna sare u qaadeen xiisadihii qowmiyadaha dalka Ethiopia.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this