Sign in to follow this  
Deeq A.

Doon U Rarneyd Ganacsato Soomaali Ah Oo Degtay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boosaaso)-Doon usoo socotay magaalada Boosaaso oo rar kasoo qadaday deked ku taalla dalka Cummaan ayaa la sheegay inay ku degtay xeebaha badweynta Hindiya.

58129116-CA9C-4283-98CC-29BA30DD586F_w10

Doontan oo laga lahaa dalka Hindiya ayaa lagu magacaabay Cabdikariin, waxaana maqribnimadii shalay ay ku degtay meel u dhow dekedda Salala ee dalka Cuman.
Shaqaalihii doonta saarna oo tiradooda lagu sheegay 10 ayaa la badbaadiyey, hase yeeshee waxaa lagu waayey hanti badan.

Shixnada ay Doondan siday oo iskugu jiray Raashin iyo Bakaash ayaa la sheegay in gabi ahaanba ay baaba’een hantididii saarneyd oo lagu waayay biyaha Badda.

Ma’aha markii ugu horreysay oo sidan oo kale ay u degto Dooni ganacsato Soomaali ah u sida Badeecooyin kale duwan kuwaas oo inta badan ku sii jeeda deegaannada Puntland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this