Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska hor-imaad ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay laba kelana way dhaawacmeen ka gedaal markii iska hor-imaad uu ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha.

Iska hor-imaadka oo daqiiqado socday ayaa u dhaxeeyay ciidanka dowladda gaar ahaan booliska iyo milatariga, sidda ay sheegeen dadka degaanka.

Dagaalka ayaa yimid ka gedaal markii gudoomiyaha Ceelasha Biyaha uu ku duulay rag lagu eedeeyay fal dhac ah in ay ka geystaan halkaaas.

Weerarka kadib waxaa lagu soo waramayaa in cutubyo kamid ah milatariga ay kusoo biireen, taas oo dhalisay in dagaalku kordho.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaase wali jirta xiisad ka dhalata maadaama aanan wali xal laga gaarin waxa keenay.

Isku dhacyadda ciidamadda dhexdooda ah ayaa mudooyinkii dambe kusoo laab-laabatay qaybo kamid ah waddanka, taasi oo walaac ku abuurtay dadweynaha.

 

Hoos ka dhageys warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Dagaal.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this