Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil Soomaali ah oo dil loogu geystay dalka Canada

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gudaha Canada ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wiil Soomaali ah lagu dilay gudaha dalkaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Farhan Jamac,sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ehelladiisa oo la hadlay warbaahinta Canada.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in wiilkaasi dhalinyarada ah ay ku toogteen gudaha magaalada Toronto ee oo si weyn looga yaqaanay marxuumka.

Lama oga illaa iyo hadda sababta ka dambeysa dilkaasi, iyadoona la sheegay in goobta ay isaga dhaqaaqaeen raggii geystay dilkaasi.

Ciidamada ammaanka Canada ayaa lagu soo warramayaa in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo Canada lagu dilo qof asalkiisu Soomaali yahay, waxaana marar badan dalkaasi dilal loo geystay Soomaali ku noolaa halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this