Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo la wareegtay deegaano ka tirsan Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Sh/Dhexe ayaa sheegaya in maanta dagaalyahannada Al-Shabaab ay la wareegeen deegaano ku yaalla gobolkaasi.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegayaa inay dib uga soo baxeen deegaanada Ceelka Geelow iyo Raaxoy oo dhaca inta u dhexeysa Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Shabelle u sheegay in saldhigyada ay baneeyeen ciidamada dowladda ay durbo la wareeegn Xooggaga Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda laga dareemayo halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this