Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xoogan oo ka dhacay gobolka Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska horimaad xoggan oo maanta dhacay deegaan ka tirsan degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka uu  ahaa mid u dhexeeyay ciidamada dowladda, kuwa  Abuu Mansuur oo isku dhinac ah iyo dagaalyahannada Al- Shabaab.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyadoo uu socday muddo ka badan saacad.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa hadda mid kacsan, iyadoona labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan halkaasi

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this