Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump Oo U Hanjabay Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ballanqaaday cunaqabateyn weyn oo la saarayo Turkiga sababo la xidhiidha weerarka ay ciidamada dalkaas ku qaadeen Waqooyiga Syria ee ka dhanka ah Kurdiyiinta.

f5ed162f-ed24-4e1e-b40c-b825591be796_w10

Si kastaba, Trump ayaa mar kale difaacay go’aankii uu dalkaas uga saaray ciidamada Mareykanka oo dagaalka ka dhanka ah Daacish kula jiray dagaalyahannada Kurdishka.

“Dad ma waxaa jira ay runtii la tahay inaan dagaal la galno Turkey oo xubin ka ah NATO?” ayuu Trump ku qoray bartiisa twitter.

“Dagaallada aan dhammaadka lahayn way dhammaan doonaan. Dadkii lugaha noo geliyey qaska Bariga Dhexe ayaa ah kuwa hadda doonaya inaan halkaas sii joogno.” Ayuu yidhi madaxweynaha.

Trump aya adhinaca kale sheegay in laga yaabo in Kurdiyiinta “ay sii daynayaan qaar’ ka mid ah maxaabiista Daacish, si ay Mareykanka u dagaal geliyaan, balse waxa uu sheegay in si fudud ay dib ugu qaban karaan ciidamada Turkey ama dalalka Yurub ee ay ka yimaadeen.

Trump ayaa sheegay inuu hogaamiyayaasha congress-ka, oo ay ku jiraan dimoqraadiga kala shaqeynayo in cunaqabateyn dhaqaale la saaro Ankara.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this