Deeq A. Posted October 15, 2019 Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in weli ciidamada ammaanka ay howlgallo ka wadaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka wadaan xaafadaha Hantiwadaag, Horseed iyo Kulmis oo dhammaan ka tirsan degmadaasi. Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka waxaa howlgalladaasi lagu soo qab qabtay ku dhowaad 100 qof oo u badan dhalinyaro. Sarkiisha ciidanka amniga HirShabelle ayaa sheegay in baaritaanadu ay sii socon doonaan tan iyo inta la xaqiijinayo amniga magaallo madaxda maamulkaasi ee Jowhar. Dhaq dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, iyadoo habeen hore gudaha magaaladaasi lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga ee maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe. View the full article Share this post Link to post Share on other sites