Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo meel ka baxsan Xamar ka hirgalineyso garoon cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlada Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorshe meel ka baxsan Muqdisho looga hirgalin doono garoon diyaaradeed oo caalami ah, kaas oo la jaan qaadi kara kuwa caalamka.

Kadib kulan ka dhacay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ka qeyb galeen wasiiro ka socda maamul goboleedyada K/Galbeed iyo HirShabelle ayaa looga hadlay sida loo wajihi karo iyo halka ay ku haboontahay deegaan ahaan in laga hir galiyo garoonkaasi..

Gudoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banadir, Mudane Aadan Sheekh Cali (Fiidow) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo garoon ballaaran oo la jaan qaadi kara kuwa ku yaalla dalalka caalamka

Sidoo kale wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in dhismaha garoonkan ay xukuumaddu ka sameyn doonto wadatashiyo, islamarkaana la dhameystiri doono inta ka harsan sanadkan.

Muddooyinkii dambe dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu hormarinayo garoomada ku yaalla gudaha dalka iyo Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this