Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka DFS Iyo Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaannadaasi, gaar ahaan duleedka degmada Xudur.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hub aad u culus, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aynu la xiriirnay.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha Labada dhinac kasoo kala gaaray dagaalkan, hase ahaatee xaaladda ayaa saakay ah mid deggan.

Ciidanka dowladda ayaa deegaanno duleedka ka ah degmada Xudur ee Bakool waxay saakay ka wadaan howlgal, balse ma jirto cid faah faahisay howlgalkaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this