Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeneral Indha-Cadde oo ka sheekeeyey arrin Muqdisho ku qabsatay oo muujineysa sida amniga u baylahan yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Janeraal Yuusuf Indhacadde oo u waramay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhacdadii 14-kii October, iyadoo wax laga weydiiyay casharada ay ka baratay dowladdu dhacdadaas iyo waxa ay uga faaiidaysatay shacuurtii dadka Muqdisho, oo aad uga gilgishay xasuuqii loo geystay.

Indhacadde ayaa sheegay in dowladdu ay ka baratay oo kaliya in ay jarto wadooyinkii ay is ticmaali jireen shacabka dulman ee Muqdisho, halka kuwo uu ku sheegay arxan laawe yaalna ay dhankay ka soo gaaraan dad reer Muqdisho ka xasuuqayaan.

Waxa uu sheegay in ay dalka ka jirto khibrad yari ciidan oo aad u baahsan taas oo saameynteeda leh, isagoo tusaale u soo qaatay dhacdo uu isagu la kulmay.

“Galab galbaha ka mid ah ayaan Bar koontorool soo istaagay aniga oo la socda gadiid tikniko ah, wiilal boolis ah ayaa goobta joogay waxaan tusay ID CARD ama aqoonsigeygii waxa uu fiirinayay mudo badan, waxaa ku iri maxaad intaasoo dhan ka fiirineysaa afar xaraf bis ayaaba ku qorane”.

Intii uu ka hadlayay arintaas ayuu sheegay Indhacadde in askarigii uu akhrin waayay magacii ku qornaa aqoonsiga, markii uu isku sheegayna uu aamini waayay.

“Waxaan watay tikniko iyo ciidan badan, iyaguna afar wiilbey ahaayeen, hadana waxay isku dayeen in ay iskay hortaagaan, waana mid ka mid ah caqabadaha ugu weyn ee Muqdisho iyo dalka oo dhan ka jira” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde.

Jeneraalka ayaa sheegay in amniga Muqdisho uu yahay mid aad u liita, isagoo tusaale u soo qaatay weerarkii hoobiyaasha loo adeegsaday ee Al-Shabaab ay ku qaadeen xarunta Xalane, isagoo xusay in qoriga ugu ridada dheer oo ay heystaan uu yahay Hoobiyaha oo kaliya, isaguna marka uu ugu bato ay tiiradiisu tahay 8-KM oo kaliya.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this