Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre oo sababo amni u tagi waayay xuska xasuuqii 14 October

Recommended Posts

Deeq A.   
72487593_1462185057269025_17036136299553

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka baaqday inay ka qeyb galaan sanad guuradii 2-aad ee xasuuqii ka dhacday Isgoyska 14 October ee ay boqolaalka qof ku geeriyooday qaraxii labo sano ka hor.

Madaxda Villa Soomaaliya, ayaa sababo amni uga baaqday sanad guuradaas, sida ay Puntland Post u sheegeen saraakiil katirsan madaxtooyada Soomaaliya oo ka gaabsaday in magacooda la xuso.

Kadib markii shalay madaafiic lagu garaacay xerada Xallane, ayaa madaxda dowladda federalku waxay joojiyeen qorshe ahaa in ay kumanaan shacab ah kula hadlaan fagaaraha isgoyska Soobbe.

Alshabaab ayaa soo saaray wax u eg digniin ku socota madaxda dowladda federalka, kadib markii ay sheegeen inay ku guulaysteen 9 gantaal oo ay la heleen xerada Xallane, iyadoo waxyeelo ay kasoo gaartay 3 shaqaale ah.

Maadaama mas’uuliyiintu ka baaqsadeen inay tagaan fagaaraha xuska, waxaa taalada laga taagay bartamaha Isgoyska lagu soo bandhigay labo gaari oo ku xardhan yihiin sawirka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ah iyagoo dhiig bixinaya labo sano ka hor.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre oo sababo amni u tagi waayay xuska xasuuqii 14 October appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this