Deeq A. Posted October 14, 2019 Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ku dhawaaqay dagaal cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab. Axmed Madoobe ayaa faray saraakiisha amniga Jubbaland inay u diyaar garoobaan xoreynta deegaanada ka maqan maamulkaasi. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka in ay qaataan kaalintooda, islamarkaana ay la shaqeeyaan ciidamada amniga. Al-Shabaab ayaaku xoogan deegaanada maamulka Jubbaland, gaar ahaan gobolka Jubbada Dhexe ee K/Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites