Deeq A. Posted October 14, 2019 Wararka ka imaanaya Galmudug ayaa sheegaya in maanta heegan buuxa la galiyey ciidamada ammaanka ee ka howlgala maamulkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Galmudug oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ciidamada kala duwan ee ku sugan halkaasi ay ku jiraan feejignaan dheeri ah. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in u jeedka uu yahay, sidii looga hortagi lahaaa falalka ammaan dari ee mararka qaar ka dhaca halkaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada sidoo kale ay howlgallo ka bilaabeen degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo saaka Dhuusamareeb lagu toogtay nin hubeysnaa oo doonayey inuu gudaha ugalo saldhiggga Booliska magaaladaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites