Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada amniga Galmudug oo heegan la galiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Galmudug ayaa sheegaya in maanta heegan buuxa la galiyey ciidamada ammaanka ee ka howlgala maamulkaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa Galmudug oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ciidamada kala duwan ee ku sugan halkaasi ay ku jiraan feejignaan dheeri ah.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in u jeedka uu yahay, sidii looga hortagi lahaaa falalka ammaan dari ee mararka qaar ka dhaca halkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada sidoo kale ay howlgallo ka bilaabeen  degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo saaka Dhuusamareeb lagu toogtay nin hubeysnaa oo doonayey inuu gudaha ugalo saldhiggga Booliska magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this