Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo ka hor-yimid in qaraxii 14-ka October loogu yeero “Musiibo Qaran”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa hor imaaday in Qaraxii Soobe ka dhacay inuu ahaa mid Musiibo Qaran.

Wuxuu Sheegay in Musiibo ay tahay wax gacanta bani’aadamka ka baxsan sida; daadka, duufaanta, dhulgariirka, IWM.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in wixii ka dhacay Isgoyska Soobe Laba Sano ka hor ay ahaayeen Xasuuq uu cadow u geystay Shacabka Soomaaliya

“Aan ka dayno afkeena in aan ugu yeerno “Musiibo Qaran” sababtoo ah musiibadu waa wax gacanta bani’aadamka ka baxsan sida; daadka, duufaanta, dhulgariirka, IWM. Wixii nagu dhacay 14 Oktoobar waxey ahaayeen “ xasuuq” uu cadaw dagaal soo qaaday gaystay, waxayna aheyd 11-ka September-tii Soomaaliya” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo qoraal kusoo qoray bartiisa Facebook.

Wuxu sheegay in Qaraxii Soobe uu reebay Xasuus mahadho ah oo dhaawacday dareenka Shacabka, tustayn cadawtooyada gacal iyo arxan la’aan, diin iyo damiir la’aanta ah ee Al-Shabaab.

“Xasuuqa 14 Oktoobar wuxuu reebay xusuus mahadho ah oo dhawaacday dareenka shacabka, tustayna cadowtooyada, gacal iyo arxan la’aan, diin iyo damiir la’aanta ah ee Al-Shabaab. Dhinaca kale, waxey curisay dareen Soomaalinimo markii aad ka eegto sida Soomaali oo idil dal iyo dibad uga falceliyeen. Gurmad, gargaar, garab istaag, duco iyo dareen muujinba intaba” .

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyey inay dayacday fursadaas oo uu sheegay inay aheyd in looga aarguto Ururka Al-Shabaab.

“In kasta ay xanuun badnayd, haddana waxay aheyd fursad lagu mideyn karay shacabka, lagu abaabuli karay, loogana aargudan karay cadawgii xasuuqa gaystay. Waxaa isku kaaya raacay xanuunkii xasuuqa iyo fursadii arguudashada oo ay hogaankii dalka naga lumiyeen”.

Ugu dambeyntii wuxuu u duceeyey dadkii ku shahiiday Xasuuquu ay Al-Shabaab u geysteen Shacabka Soomaaliyeed.

“Allaha naxariistiisa ha siiyo dadkii ku shahiiday, Ilaaheeyna ha ka sabarsiiyo eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeen.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this