Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Mucaaradka Dalka Spain Oo Xabsi Lagu Xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Spain)-Maxkamada sare ee dalka Spain ayaa Isniinta maanta ah xukuno xabsi ah ku riday sagaal ka mid ah 12 eedeysane oo loo haysto dhiiri galinta doorkii ay ku lahaayeen sanadkii 2017-dii ololihii fashilmay ee gobolka Catalan madaxbanaanida ku qaadanayay.

1571046337d49e0.jpg

Xukunada lagu riday shaqsiyaadkan oo iskugu jira 13 ilaa sagaal sanno ayaa ka hooseeya midkii ay dalbanayeen dacwad oogayaasha oo dhan 25 Sanno.

Dadka xukunada lagu riday ayaa waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Catalan Oriel Junqueras kaasi oo qeyb ka ahaa ololaha gobolkan uu ku doonayay in uu kaga go’o Spain.

Xukunkan ayaa waxaa canbaareeyay madaxii hore ee gobolka Carles Puigdemont waxaana uu sheegay in la gaadhay waqtigii laga jawaab Celin lahaa Arintaan.

Mr Puigdemont oo masaafuris ahaan ugu nool dalka Belguim-ka ayaa barta Twitter-ka ku soo qoray waa in aa ka fikirnaa mustaqbalka nolosha ee wiilashayada iyo Gabdhaheena.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this