Sign in to follow this  
Deeq A.

Kurdiyiinta Oo Isbahaysi La Sameystay Dowladda Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Syria)-Ciidamada Syria ayaa maanta galay magaalo ku taalla meel ku dhow xuduudda Turkiga, maalin kadib markii ay dowladda heshiis la gaadhay Kurdiyiinta, si looga hortago howl-galka Turkiga.

0d00a800-0d89-4d61-9c50-27097c122f50_w10

Wakaaladda wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay in ciidamada ay dhaqdhaqaaqyo ka samaynayaan magaalada Tal Tamr oo 20km u jirta xuduudda Turkiga.

Waxay sheegtay in ciidamada ay qaadeen tallaabadan “si loo hor-istaago gardarrada Turkish-ka” ayna soo dhoweeyeen shacaka halkaas ku sugan.

Heshiiskan aan caadiga ahayn ee ay gaadheen Kurdiyiinta, Syria, iyo Ruuska — xulufada ugu weyn ee dowladda Syria – ayaa yimid afar maalmood kadib markii ciidamada Turkiga ay waqooyiga Syria ka billaabeen howlgal ka dhan ah Kurdiyiinta, kadib bixitaankii ciidamada Mareykanka.

“Si looga hortago oo loo joojiyo duullaankan, heshiis ayaan la gaarnay dowladda Syria, oo waajibkeedu yahay inay ilaaliso xuduudaha iyo madax-bannaanida Syria, si ciidamada Syria u tagaan xuduudda ku teedsan Turkiga,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan ay soo saareen Kurdiyiinta.

Kurdiyiinta Syria ayaa sheegay inay dareemayaan in Mareykanka uu cidleeyey kadib markii ay kala dhinac dagaalameen xagjiriinta Daacish ee Syria.

Madaxweyne Donald Trump ayaa shalay amray in dhammaan ciidamada Mareykanka ee ku hadhsanaa waqooyiga Syria ay ka baxaan halkaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this