Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqoonyahanka Diinta Ku Adag Ee Siyaasadda Ku Cusub Qays Saciid Oo Ku Guuleystay Doorashadii Tunisia

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Tunisia)-Aqoonyahanka diinta ku adag ee Qays Saciid, oo siyaasadda ku cusub, ayaa guul aad u weyn ka gaadhay doorashadii kala baxa ahayd ee Tunisia, isaga oo ka adkaaday maal-qabeenka warbaahinta, Nabiil Quray, sida ay muujineyso natiijo horudhac ah.

DB8E2357-5290-46FF-9AE6-BFCF7C9DDEB2_cx0

Saciid, oo si madax banaan u tartamay ayaa helay ugu yaraan 72.5% codadka, sida ay muujineyso natiijada horudhaca ah ee ay sii daysay shirkadda Emrhod, wuxuuna 40 dhibcood kaga adkaaday Quray.

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Tunis, si ay ugu dabaal degaan guusha Saciid, ayaga oo heesayey astaanta qaranka.

“Waa maalin taariikhi u ah Tunisia, Tunisa waxay guraneysaa mirihii kacdoonka,” waxaa sidaas yiri Boussairi Abidi oo ah 39 jir makaanik ah. “Qays Saciid wuxuu soo afjari doonaa musuq-maasuqa, wuxuuna noqon doonaa madaxweyne caddaalad ah.”

Natiijada rasmiga ah ayaa la filayaa in lagu dhowaaqo maanta.

Saciid ayaa uga mahad-celiyey da’yarta dalka “inay bog cusub fureen,” wuxuuna wacad ku maray inuu isku dayi doono inuu dhiso “Tunisia cusub”.

Qiyaastii 90% dadka da’doodu u dhaxeyso 18 illaaa 25 ayaa u codeeyey Saciid, sida ay muujisay ra’yi uruurin uu sameeyey machadka Sigma.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this