Sign in to follow this  
Deeq A.

Taabid Cabdi: Waa laga gaabiyey ballan qaadyadii qaraxii 14-ka OCTOBER

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka goobolka Banaadir, ahaana Duqii Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka sheekeeyey xasuustiisa ku aadan qaraxii xooganaa ee 14 October oo maanta laga joogo muddo 2 sano ah.

Taabid oo wareysi siiyey TV-ga Dalsan ayaa sheegay in aan sinaba looga kabsan doonin dhacdadaas oo si weyn u taabatay dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Taabid oo xiliggaasi ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in weli uu xusuusto gurmadkii loo fidiyey dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi iyo sida ay ugu midoobeen Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa kale uu sheegay in laga gaabiyey in la fuliyo ballan qaadyadii iyo talo soo jeedintii Guddigii Gurmad Qaran, si loogu diyaar garoobo ama looga gaashaanto dhibaatooyinka noocaan oo kale ah.

“Dareen weyn baa la muujiyay Umadda Soomaaliyeed waxay diyaar u aheyd dowladooda inay garab istaagto, naf iyo maal la huro, Alshabaab oo dhibkaas weyn geysata meel looga soow ada jeesto, balse ma aysan dhicin, waxaa loo baahanaa dad ku haga oo hoggaamiya kuna horkaca, si loo xaqiijiyo himiladaas, habacsanaan dhacda iyo ilduuf ka dhacay dowladda, fursadaas ay ka dayacantay dareenkii maalintaas bannaanka u soo baxayna aan laga faa’ideysan, waxay noqotay mid la hilmaamay dadkiina guryahooda isaga laabtaan,”ayuu yiri Taabit Cabdi Maxamed.

Qaraxan oo ay ku dhinteen boqolaal qof, kuna dhaawacmeen boqolaal kale ayaan weli ka go’in xasuusta dad badan, iyadoona maanta labo snao kaidb laga xusayo gudaha magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this