Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka soo goostay Al-Shabaab oo Kismaayo lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay lagu dilay sarkaal ka tirsanaa wasaaradda amniga ee Jubbaland, kaas oo horay uga soo goostay kooxda Al-Shabaab.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cumar Daqal (Taqiyudiin), sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Mas’uuliyadda dilkan ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, sida ay ku baahisay barteeda Internet-ka.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay Cumar Daqal uu ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan wasaaradda amniga Jubbaland.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in ninkaasi uu la shaqeynayey sirdoonada Mareykanka iyo Kenya, sida ay hadalka u dhigtay.

Taqiyudiin ayaa sanad ka hor ka soo goostay Al-Shabaab, wuxuuna ka tirsanaa xafiiska dacwada ee kooxdaasi

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Jubbaland oo ku aadan dilka sarkaalkaasi.

Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona ciidanka amniga ay howlgallo ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this