Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo sheegay in dowladdiisa ay kordhisay dagaalka Al-Shabaab, kadib qaraxii 14-ka October

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madxaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa ka hadlay qaraxii maanta oo kale 14-kii October 2017-kii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed u diray fariin ku aadan xuska labo sano guuradii ka soo wareegtay maalintan oo lagu laayey dad badan oo rayid ahaa.

Sidoo kale Madxaweynaha ayaa sheegay, tan iyo wixii ka dambeeeyey qaraxii 14-ka October dowladda Soomaaliya ay kordhisay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Halkan hoose ka aqriso

14-ka Oktoobar waa maalin xasuus murugo u leh dadkeenna Soomaaliyeed. Waa maalin aan waynay boqollaal muwaadiniin ah oo uu taagnaa dib u dhiska iyo horumarka dalkeenna.

Waa maalin ay argagixisadu si arxan darro ah u xasuuqeen boqolaal muwaadiniin ah oo ku hawlanaa nolol maalmoodkooda, ayna agoomeeyeen kumannaan carruur ah.

Qof kasta oo Soomaaliyeed waa uu xasuusan yahay dareenkii muragada lahaa ee ka dhashay weerarkan bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku bartilmaameedsadeen shacabkeenna. Si la mid ah taas waxaa muhiim ah in aan xasuusanno midnimadii, gurmadkii iyo sida dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed ay ugu wada istaageen wax u qabashada shacabkeennii ay dhibaateeyeen cadawgu.

Tan iyo wakhtigaas Dowladdu waxa ay xoojisay hawlgallada qorsheysan ee lagaga hor-tegayo falalka waxashnimada ah ee ay soo qorsheeyaan argagixisada Alshabaab, waxa ayna geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka sida burburiyeen saldhigyo cadawgu ay ka soo maleegi jireen weerarrada arxan darrada ah, sidoo kalena waxay ciidanku ka xoreeyeen deegganno ay cadawgu ku dhibaateeynayeen muwaadiniinteenna ku nool.

Ugu dambeyntii, waxaan Alle u weydniinaynaa naxariistiisa shuhadadii innooga geeriyootay weerarkan, anigoo faraya Xukuumadda in laga warqabo dhammaan muwaadiniintii lixaadkooda ku waayey falkan banii’aadamnimada ka baxsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this