Deeq A. Posted October 14, 2019 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo Ciidamada Jubbaland oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose ee K/Somalia. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheeegay in dagaalkaasi ay ku dileen illaa saddex askari, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Jubbaland oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey. Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidanka Jubbaland ayaa howlgallo ka bilaabay agagaarka magaalada Kismaayo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites