Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxii 14 October oo labo sano kadib la xusayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka October ayaa waxaa 2 sano laga joogaa qaraxii xooganaa ee maanta oo kale sanad-kii 2017-kii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Munaasabad lagu xusayo maalintan Madow ayaa saaka lagu wadaa inay ka dhacdo isgoyskaasi oo laga taagay taallo lagu xasuusanayo dhammaan dadkii lagu laayey dhacdadaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo boqolaal dadweyne ah ayaa ka qeyb galaya xuska maalintan.

Qaraxii 14-ka October ayaa dowladdu waxa ay xaqiijisay inay ku dhinteen in ka badan lix boqol oo qof oo u badan dad rayid ah.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this