Deeq A. Posted October 14, 2019 Dabley hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in xalay ay dil ka geysteen qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Dilka ayaa la sheegay in loo geystay Oday da’ah oo wade ka ahaa Gaari BL ah, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ciise Kuube, iyadoona raggii ka dambeeyey dilkiisa ay goobta isaga baxsadeen. Lama oga sababta ka dambeysa dilka ninkaasi, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmadaasi. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan dari oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites