Deeq A. Posted October 14, 2019 Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xalay nin hubeysnaa ciidanka amniga ay ku toogteen magaaladaasi. Toogashada ayaa timid, kadib markii uu ninkaasi isku dayey inuu gudaha u galo saldhigga Booliska Dhuusamareeb. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in marxuumka uu ka biyo diiday inuu istaago, islamarkaana uu rasaas ku furay ciidankii saldhigga joogay, taas oo keentay in durbo la toogto Lama oga illaa iyo hadda waxa uu ahaa shaqsigaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmadaasi. Muddooyinkii dambe ammaanka Dhuusamareeb ayaa ahaa mid degan, iyadoona ay ka socdeen howlgallo ballaaran. View the full article Share this post Link to post Share on other sites