Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare oo cambaareeyey weerar lagu dilay mas’uul ka tirsanaa HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa war ka soo saaray weerarkii xalay lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga gobolka Shabeelaha Dhexe, Muxumad Sugaal Cismaan iyo wiil uu dhalay oo xalay u geeriyooday Bam lagu weeraray hoygooda Jowhar.

Waare ayaa ugu horreyn tacsi u diray shacabka HirShabelle, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in marxuumka uu ahaa Xubin muhiim ah oo ka baxday Maamulkiisa iyo shacabka HirShabelle.

Waxaa kale uu faray hey’adaha ammaanka HirShabelle in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u sameeyaan baaritaan dhab ah oo la xiriira weerarkaasi, sharcigana la soo taago kooxihii ka dambeeyey.

Halkan hoose ka aqriso:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare, oo ku hadlaya Afka Golayaasha iyo kan Shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii amniga Gobolka Sh/Dhexe marxuum Muxumad Sugaal Cismaan iyo wiil uu dhalay oo xalay u geeriyooday Bam gacmeed lagu weeraray hoygooda Jowhar.

Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan shacabka Hirshabelle, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Guddoomiye ku xigeenka Amniga Sh.dhexe marxuum Muxumed Sugaal, waxaana eebe uu uga baryay in janatul fardowsa uu ku galado.

Madaxweyne Waare ayaa tilmaamay In Marxuumka uu ahaa xubin muhiim ah oo ka baxday Maamulka iyo shacabka Hirshabelle islamarkaana uu hayay shaqo adag oo muhiim u ah nidaamka Dawliga ah, iyo Xaqiijinta Amniga.

Madaxweynaha  Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa faray hey’adaha Ammaanka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u sameeyaan baaritaan dhab ah oo la xiriira weerarkaasi lagu dilay marxuum Muxumed Sugaal sharcigana la soo taago dadkii ka dambeeyay.

Ugu dambeyn Madaxweynaha  Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa guud ahaan Shacbiga Hirshabelle kula dar daarmay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah meelna uga soo wada jeestaan Al-Shabaab islamarkaana ay la shaqeeyaan Hey’adaha ammaanka sidoo kalena ay iska hubiyaan cid kasta oo ku soo dhex dhuumaneysa.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this