Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahin: Nin hubeysnaa oo lagu toogtay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online ) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho saaka ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Toogashada ayaa timid, kadib markii nin hubeysnaa uu isku dayey inuu xoog ku galo gudaha saldhigga Booliska magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka Booliska Saldhigga ay toogasho ku dileen ninkaasi, kadib markii uu diiday inuu istaago.

Lama oga illaa iyo hadda waxa uu ahaa shaqsigaasi iyo sidoo kale waxa uu damacsanaa.

Xaaladda ayaa hadda dagan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Ammaanka Dhuusamareeb ayaa muddooyinkii dambe la xoojiyey, iyadoona la filayo in dhowaan lagu qabto doorashada Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this