Deeq A. Posted October 13, 2019 Muqdisho (SMN) – Qaramadda Midoobay ayaa sheegtay in ay si adag u cambaareyneyso weerar loo adeegsaday madaafiic oo ay Al-Shabaab ku qaadey xeradda ciidanka AMISOM iyo UN-ka ee Xalane. Dhismahan oo ku yaala Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa degan safaarado iyo shirkado ajaaniib ah. Al-Shabaab ayaa shaacisay in dhowr hoobiye ay ku weerartay xeradda, kuwaasi oo qaarkood gudaha ku daatay. War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska ergayga Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa u fadhiya Muqdisho ayaa lagu shaaciyey in weerarkan ay ku dhaawacmeen dhowr xubnood. James Swan ayaa wuxuusan kala caddeyn tiradda saxda ah ee wax kaga noqotay weerarka oo aysan wali tafaasiil dheeraad ah ka bixin laamaha ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Falkan ayaa wuxuu kusoo aadaya iyadda oo mudooyinkii u dambeeyay ammaanka caasimada uu ahaa mid hagaagsan, isla markaana hay’addaha nabad-gelyadu ku howlanaayeen xaqiijinta amniga. View the full article Share this post Link to post Share on other sites